Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin : – Shirkii Kismaayo oo fashilweyn ku dhamaadey kadib markii Xasan iyo Shariif diideen wax aan 4.5 ahayn

$
0
0

Shirkii Kismaayo oo awal habeyn hore fashilmay ayaa isku daygii la isku dayay in la badbaadsho wuxuu horseeday fashil ka fool xun kii habeyn hore, Hadalo kul kulul oo luuqad adag la isu isticmaalay ayaa meesha ka dhacay.

Kulanka bilowgiisii intuusan fashilmin Habeen hore, waxay Puntland iyo Jubbaland kasoo dabceen nidaamkii ay wateen oo waxay soo jeediyeen in Aqalka hoose lagusoo dhiso Deegaan iyo 4.5 oo la isku dhafay, Aqalka sare isna lagu dhiso 18 kii Gobol. taas waxaa diidey Shariif Xasan iyo Madaxweyne Xasan Sheikh.

Waxay mar kale Puntland iyo Jubbaland soo jeediyeen in waxyaabahaan oo dhan qashinka lagu daro isla markaasna Baarlamaanka hada jira loo kordhiye laba sano, bisha Ogostana ha doorteen Gudoomiye iyo Madaxweyne Dalka ku gaarsiiya labadaas sano Doorasho cod iyo Qof ah, arintaasna waxaa si wadajir ah u diiday Jawaari, Xasan Sheikh iyo Shariif Xasan .Sidaas baana doraad lagu kala tagay.

Shalay ayaa miiskii dib loogusoo laabtay, mana cada sababta ay deg dea ugu soo laabteen miiska wada hadalka.

Xalay markii la iskusoo laabtay ayaa Jawaari (oo maalmihii hore is nabayay kuna adkeysanayay in hogaanka Baarlamaanka iyo Baarlamaanka loo kordhiyo Wakhtiga), Shariif Xasan iyo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxay miiska lasoo fariisteen ineysanba u cuntameyn wax aan 4.5 ahayn in lagusoo dhiso labada gole oo aysanba maqli karin 18 kii gobol iyo deegaanba in wax lagu saleeyo,iyagoo u hogaansamey qayladii ka soo yeertay Oday Xaad iyo kooxda ku qaraabta magaca guurtida Beelaha Hawiye,oo ku dhaartay in ayna marna aqbaleyn waxaan aheyn 4.5,sidoo kalena ku tilmaamay 18 gobol ee dalku ka koobaan ku xaraan ku dhisnaa

Aakhirkii saaka ayuu si rasmi ah shirkii u burburay,wufuudiina qaarkood u ambabaxeen degaanadii ay ka yimadeen

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles