Ergadii IGAD iyo Midowga Yurub uga qayb gali lahaa Shirka aayaha Soomaaliya ee Kismaayo ka dhici lahaa ayaa Kismaayo isaga tagay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu soo caga dhigi waayay Kismaayo.
Inkastoo Madaxweyne Xasan lagu wado inuu maanta soo gaaro Kismaayo hadana rajada laga qabo in Shirka ay waxyaabo dhaxal gal ah kasoo baxaan ayaa aad u daciif ah, Maadaama Beeshii Caalamka ay ka maqan tahay Shirka.
Wararka ay Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Ergada hada ku sugan Kismaayo ay qaarkood ka rajo dhigeen shirka ayna aaminsan yihiin in Madaxweyne Xasan uu ulakac u warwareejinayo.
Warar kale waxay sheegayaan in Masuuliyiinta ku sigan Kismaayo ay go’aan cad ka qaadan doonaan hadii Madaxweyne Xasan uu maantana iman waayo.
Puntlandi.com
Kismaayo