Puntlandi oo soo xiganaya Illo dublamaasiyadeed ayaa ogaadey in Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus uu sheegay in Itoobiya ay dhowaan soo dhameystiri doonto Ciidankii ay Amisom ka balan Qaadey in Jubbaland la geeyo, wuxuuna ku daray in Ciidankaan iyo Saraakiishoodu ay Soomaalida Itoobiya u badnaan doonaan.
Wasiirka oo hadalkaan u sheegay Masuuliyiin Jubbaland wuxuu raaciyey in Jubbaland ay saaxiib dhow la tahay Itoobiya isla markaasna aysan Amaanka oo qura ka caawinayn ee ay ka caawinayaan sidii State-kana uu u noqon lahaa kan Soomaliya ugu horumarsan uguna amaanka badan, waxaana taas la kaashanaynaa buu yiri Wadamada ay saaxibada yihiin iyo Urur Goboleedka IGAD.
Dr.Tedros oo hadaladaan shalay ka yiri Kismaayo wuxuu muujiyey in Joogitaankiisa Kismaayo uu la mid yahay isagoo Adis ababa jooga uuna ku farax san yahay sida loogu soo dhaweeyey Kismaayo.
Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros Adhanom oo Kismaayo u yimid ka qaybgalka Shirka looga arinsanayo aayaha Soomaaliya ayaa wuxuu dhinaca kale sheegey mar uu ka hadlayay Shirka Wadatashiga ee Soomaaliya “Itoobiya mar walba way soo dhaweynaysaa wixii Soomaalidu ku heshiisu, waxaana ku kalsoonahay in Go’aan Mideysan lagawada gaari doono shirka Kismaayo.
Puntlandi.com
Kismaayo