Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News—Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku wajahan Cadaado

$
0
0

breaking-nes-150x63-1Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Ilaam uu ku wajahan yahay Magaalada Cadaado oo xarun ah mid ka mid ah Maamulada ka jira Gobolada dhexe.

Lama hayo ujeedka safarka Madaxweynuhu uu ku tagayo Cadaado oo loo badinayo maalinta beri oo Arbaca ah inuu gaari doono halkaas, waa sida ay howlwadeenada Puntlandi warka ku heleene.

Wararka kale oo aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Axmed Madoobe uu usii gudbi doono Bosaso si uu uga qayb galo Furitaanka Bosaso International Airport oo 8 bishaan Janaayo dhici doonta.

Booqashada uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku tagi doono Cadaado ayaa Warbaahinta Puntlandi waxay u badinayaan iney tahay fulin uu Madaxweynuhu fulinayo balan qaadkiisii ahaa inuu booqan doono Cadaado iyadoo Madaxweynuhu uu balan qaadkaas uga dhawaaqay bishii Decembar Shirarkii nabadeynta ee kasocdey Gaalkacyo.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles