Caasimada Dalka Biljamka ee Bruxelkes ayaa maanta waxaa la kashifey weerar loo maleegayay in la qaado caawo oo loo dabaaldagayo Sanadka cusub.
6 Qof oo la sheegay inay maleegayeen weerar la fulin lahaa habeynka sanadka cusub ayaa bileyska Bruxelles ay xabsiga u taxaabeen kuwasoo laga soo kala qabtey dhowr meelood oo kala duwan oo ku yaal xafadaha Brusselse, Xaafada Molenmeek ayaa ka mida xafadaha ay bileysku kasoo qateen qaar ka mid ah lixdaan qof, Xaafadaan waa xaafadii sida la aamin san yahay laga soo abaabuley weerarkii Paris ee 13 kii Novembar.
Cabsiyo laga qabo weeraro Argagixiso awgeed ayaa Maayarka Brusselse wuxuu caawa baajiyey Dabaal dagyadii waaweynaa ee magaaladu caanka ku ahayd habeynka Sanadka cusub.
Waxaa caawa ilaa beri sare loo qaadey illaalinta amaanka.
Caasimada Faransiiska ee Paris ayaa iyana amaanka sare loo qaadey, waxaa iyana la baajiyey Dabaal dagyadii waaweynaa ee loogu dabaal dagi jirey Sanadka cusub, Waxaana caawa Amaanka Paris illaalinaya in ka badan 10,000(toban kun) oo isugu jira Malayari, bileys iyo Shaqsiyaadka Hay’adaha kale ee amaanka, waxaa iyana wehelun doona oo dheeraada Hay’adaha Gargaarka deg dega ah oo iyana heegan noqonaya 24 ka saac ee soo socda.
Paris ayaa waxaa kaloo hoos loo dhigay Dabaal dagii caadiga u ahaa caawoo kale iyo ridida Rashka goobta loo yaqaan fagaaraha Triumfbuen oo kumanaan qof ay ku dabaal dagaan habeynka sanadka cusub.
Qaraxyada Rashka gabi ahaan hoos baa loo dhigay si aan loogusoo dhex dhuuman.
London ayaa iyana ay saameysay cabsida laga qabo in kooxaha Argagixisadu ay kusoo dhex dhuuntaan Qaraxyada ay dadku ugu dabaal dagayaan sanadka cusub 2016, waxaana sare loo qaadey illaalinta amaanka.
Ankara, Caasimada Turkiga ayaa iyana shalay waxaa la qabtey laba nin oo ka tirsan Daacish kuwasoo la sheegay iney qorshaynayeen weeraro laga fulin lahaa Magaalada Ankara habeynka sanadka cusub.
Sida ay sheegeen Booliska Turkigu weeraekaan ayaa la doonayay in lagusoo dhex dhuunto Dadka u dabaal dagaya Sanadka cusub.
Illo ka tirsan Dowlada Turkiga ayaa laga soo xigtey in weerarkaan la kashifey ay kooxda Daacish la damac sanaayeen iney la beegsadaan goob ay kumanaan qof isugu imaan lahaayeen.
Labada nin ee Booliska Turkigu qabteen lama shaacin wadamada ay u dhasheen.
Inta badan guud ahaan amaanka Caasimadaha Yurub amaankooda saraa loo qaadey marka loo dabaal dagayo soo dhaweynta sanadka cusub 2016.
Puntlandi.com
Yurub