Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

34 Qof oo ku dhintey Dabeylo iyo Daadad ku dhuftey Maraykanka

$
0
0

arlington-tornado-damage
State-ka Missouri ee Dalka Maraykanka waxaa lagusoo rogay xaalad Degdeg ah kadib markii ay Gobolka ku dhufteen Duufaan sabababte fatahahaad biyood oo xoogan.

Roobab xoogan iyo Dabeylo duufaan ah ayaa ku dhuftey Gobolada Misuori iyo Texas inkastoo hada Missuori ay xaaladu aad u adagtahay.

Magaalooyin dhowra ayaa weekendkii Daad xoogan ku soo rogmadeen waxaana ilaa hada dhimashada guud maraysaa 34 Qof, Wax Soomaali ah kuma jiraan dadka geeriyooday iyo kuwa dhawacu kasoo gaaray Daadadka.

Magaalada Dallas oo dhowr Milyan oo Qif ay ku nool yihiin iyo nawaaxigeeda ayuu aad u saameeyey, Waxaana magaalada waxyeelada weyn keeney Duufaan ku dhufatay, 11 Qof ayaa magaaladaan ku dhintey.

Guud ahaan Soomaalida degan Dallas wax dhib ah masoo gaarin.

Hadii aad degan tahay Maraykanka oo Dabeylaha iyo Roobabku saameyn kugu yeeshaan ama dad aad taqaan ay ku wax yeeloobaab nagalasoo xiriir..
USA@PUNTLANDI.COM
ama
Puntlandi news Center
123@puntlandi.com

Puntlandi.com
Maraykanka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles