Degmada Qoryooley ayaa Xalay fiidkii ilaa saaka aroortii waxaa gacanta ku hayay Maleeshiyaadka Al-shabaab kadib markii ay si gaadmo ah kusoo galeen xalay fiidkii.
Ciidan Beeleedyo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka oo Degmada ku sugnaa ayaa isla xalayba kala yaacay kadib markay Al-shaabku soo galeen Magaalada, Maleeshiyada qabsadey Degmada waxay bar tilmaamadeysteen oo ay la wareegeen Xarumaha ho’yga u ahaa Masuuliyiinta Degmada iyo kuwa Dowliga ah.
Ciidamada Amisom oo xalay usoo gurmaday Magaalada ayaa isla xalayba waxay degeen kaabiga Magaalada halkasoo ay dagaal yar la galeen Maleeshiyada Al-shabaab.
Amisom iyagoo adeegsanaya Xeelad dagaal ayay go’aansadeen ineysan habeynimada aysan galin Magaalada waxayna sugayeen inta waagu baryayo.
Laakiin Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka waxay isaga baxeen Degmada waxayna khasaare baaxad weyn u geysteen Magaalada, waxay dileen ugu yaraan 15 Askari oo kuwa deegaanka ahaa, Waxay dab qabadsiiyiin goobihii Dowlada.
Khasaare masoo gaarin Dadka rayidka ah aan ka ahayn laba Qof oo dhawac fudud soo gaaray.
Ciidanka Amisom waxaa ka dhawacmay 3 askari, mana jirto dhimasho dhamka Amisom.
Qasaaraha soo gaaray Maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa lagu sheegey 5 dhimasho ah, dhawacoodana way qaateen, Waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey Ahmed Yuusuf oo dadka deegaanka ah.
Puntlandi.com
Kismaayo