Maqribadii caawa ayaa dagaal wuxuu ka bilowday Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidamo aan saas u badneyn oo kuwa Dowlada Federaalka ayaa xiligaas ku sugnaa.
Ciidamada Amisom ayaa goor dambe usoo gurmadey balse ma aysan galin Magaalada xiligoo habeyn ah awgeed, iyaga iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab waxay isdhaafsadeen Rasaas ay ku jiraan hubka culus.
Wararka ay Puntlandi ka helayaan aagaas waxay sheegayaan in Al-shabaab ay Magaalada gudaha u galeen ayna hada wali iyagu heystaan inkastoo Ciidamada Amisom aysan waxba u jirin magaalada oo ay sugayaan inta waagu baryayo.
Wali warar sugan iyo khasaaraha cid heli karta ma jirto, Isgaarsiintuna way ka go’an tahay caawa Magaalada.
Puntlandi.com