Maanta oo sabti ah 26 Dec. 2015 waxaa Caasimada Puntland laga dhagax dhigay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Garowe, kasoo noqon doona Garoonkii labaad ee Puntland yeelato oo caalami ah, Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali MAxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray oo dhagax dhigay Mashruuca dhagax dhiga garoonka kasoo shaqadiisu hada si rasmi ah u bilaabaneyso.
Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa isna wax ka dhagax dhigay Garoonka, Waxaa kalo goob joog ahaa munaasabada Masuuliyiinta hada iyo kuwii hore.