Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas oo ku guuleystay Shaqsiga sanadka 2015 The Person Of the Year (Hees Video ah+Warbixin dheer+Sawiro)

$
0
0

GAAS MAN OF THE YEARWarbaahinta Puntlandi waxay sanad walba dhamaadkiisa ay akhristaasha usoo bandhigaan oo la wadaagaan shaqsiga mutaysan kara sanadkaas in loo magacaabo shaqsiga sanadka,

Dhowr shaqsi oo miisaan ku dhexleh Bulshada Soomaalida ayaan usoo bandhignay Akhristayaasha, Sanadkaan 2015 waxay akhristayaasha intooda badan isku raaceen in Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed cali Gaas uu yahay shaqsi waxbadan oo lagu xasuusto ka dhex qabtay Bulshada dhexdeeda.

Sidaas awgeed Warsidaha Puntlandi.com waxay sanadkaan qiimaynta shaqsiga sanadka 2015 ay siiyeen Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Hoos ka akhriso Warbixin cabiraysa waxyaabaha uu ku mutaystay abaal marinta Puntlandi Person of the Year

20

Madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa

7 illaa 8-dii Janaayo ee sanadkii 2014 waxay reer Puntland u ahayd maalmo ka mid ah maalmaha ku xusan Sooyaalkooda taariikheed,waayo waxaa Garowe ka dhacay doorasho taariikhi ah,taasi oo xusuus gaar ah ku reebtay Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Doorashadii dhacday bishii Janaayo sanadkii 2014,ayaa lagu doortay Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’,waxayna kor usi qaaday Maqaamkii ay reer Puntland ku lahaayen Soomaaliya iyo caalamka,sababtoo ah Puntland ayaa dooratay Aqoonyahan Ra’iisul Wasaare kaso noqday Dawlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa 8/January/2016-ka u dabaaldagaya sanadguuradii labaad ee Dawladiisa,waxaana laba sano ka hor uu balan qaaday in Puntland ay yeelan doonto waji ka badalan midkii ay lahayd 15-kii sano ee tahay.

Hadaba laba sano ka dib Muxuu Madaxweynuhu ka qabtay;-

1-Arrimaha amaanka iyo La-dagaalanka Argagixisada.

2-kaabayaasha dhaqaalaha.

3-Dhismaha Ciidamada.

4-Arrimaha bulshada.

5-Dhaqaalaha.

6-Xiriirka beesha caalamka iyo Puntland.

7- Arrimaha Federaalka,Baahinta Maamulka iyo guud ahaan balanqaadkiisii laba sano ka hor.

Arrimaha amaanka.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa dib u sixid,tayayn iyo qaabayn ku samaysay Hay’adaha Nabadgalyada Puntland,waxaana ay Dawladu diiwangalisay guud ahaan Hay’adaha amniga puntland.

Dawladda ayaa dib u dhis ku samaysay Saldhigyo ciidan oo ku yaala Gobolada Puntland,waxaana ay dayactir,qalabayn iyo dib u habayn ay ku

samaysay qaar ka mid ah Saldhigyada Puntland oo aan horay u helin dayactir muddo badan.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa kor u qaaday tayada ciidanka Puntland,waxaana ciidanku ay heleen qalab tayo leh,iyadoo ay Dawaddu kor u qaaday Xiriirka iyo Wada shaqaynta Hay’adaha amniga.

Tayaynta,dib-u-habaynta iyo isku xirka Hay’adaha Nabadgalyada Puntland ayaa horseeday in amaanka Puntland uu noqdo Boqolkiiba Boqol,waxaana Muwaadin kasta oo reer Puntland ku seexdaa Nabad,kuna soo toosa,iyada oo Dawladu ay illaalisay Nafta,maalka iyo sharafta Muwaadin kasta.

Isbadal hormarineed oo mudan dhiirigalin iyo Bogaadin,ayaa ku yimi amaanka Puntland labadii sano ee uu xafiiska joogay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.

Dhanka kale,Dawlada Puntland ayaa guul wayn ka gaartay dagaalka ay kula jirtay Kooxda Argagixisada ah ee Shabaab,waxaana hawlgalo ay Dawladu ka samaysay Buuraha Galgala iyo magaalooyinka Puntland laga dhaxlay hormar ku saabsan dagaalka ka dhan ah Argagixisada.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa balan qaaday inay ciribtirayaan Kooxaha ku dhuumanaya Buuraha Galgala,waxaana guulahan ay Puntland gaartay iyada oo aan taageero ka helin beesha caalamka,kuna tashanaysa ciidamadeeda qalabka sida.

kaabayaasha dhaqaalaha.
3

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Gaas ayaa labo sano ka dib isbadal balaaran ku sameeyay Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland,waxaa la dhisay Garoomo,Waddooyin,waxaana sido kale ay Dawladu dayactir iyo dib-u-habayn ay ku samaysay Waddooyin burbursanaa.

Xukuumadda Gaas ayaa hirgalisay dhismaha Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso ,kaasi oo noqday Garoonkii ugu horeeyay ee casri ah oo laga dhiso Puntland,waxaana wajiga kowaad ee dhererka Runway-ga oo laso afmeeray uu dhan yahay 2,400-Mitir,iyada oo sanadka soo socda la bilaabi doono dhismaha Wajiga labaad.

Dawladda ayaa garoonka Gaalkacyo ka dhistay Terminal cusub,waxana sido kale dib-habayn iyo dayactir ay Dawladdu ku samaysay Garoomo ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland oo uu ka mid yahay Garoonka Qardho.

Dawladda ayaa dhistay Wadada Wadaagsin ee isku xirta Gaalkacayo—Garacad iyo Wadada isku xirta Galkacayo—Galdogob,waxaa sido kale ay Dawladu Daahfurtay Mashruuca lagu dhisayo Wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo,taasi oo dhaqaalaha ku baxaya dhismaheeda uu bixinayo Midowga Yurub.

Garoonka diyaaradaha Garowe iyo dhismaha Dekeda oo qayb ka ah Kaabayaasha dhaqaalaha ayaa bilaabanaya dhowaan,waxaa sido kale bilaabanaya dhismaha Wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo dhaqaale ururinteedu ay meel wannaagsan marayso.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa sheegay inay Dawlada qorshaha ugu jirto dhismaha Waddooyin kale oo Laami ah oo qaarkood ay ku yaalan dhulka ka baxsan Laamiga sida Wadada Lafagoray,dhismaha Dekeda Garacad si ay u fududayso isku xirka Ganacsi ee Puntland iyo Itoobiya,isbadal dhab ayaa Dawladu ay ku samaysay Kaabayaasha dhaqalaaha labadii sano ee tagay.

Dhismaha Ciidamada iyo Kor u qaadida Arrimaha bulshada.
5

Dawladda Puntland ayaa tababar iyo qalabayn u samaysay Ciidanka Booliska Puntland,waxaana noqdeen ciidamo leh cudud iyo tayo la isku halayn karo.

Aqoonta iyo tayada Ciidanka Birmadka,ciidanka nabadgelyada Waddooyinka iyo ciidanka cashuuraha beriga ayaa Dawladu ay kor u qaaday,taasi oo muuqaal ka duwan midkii hore u yeeshay ciidanka.
Markii u horeeyey taariikhda Puntland waxay Xukuumada Madaxweyne Gaas ay hirgaliyeen tiro koob ku salaysan hab casri ah oo loo sameeyey Ciidanka Daraawiishta Puntland, Mushaarkoodana waxaa lagu saleeyey Tira koobka iyo Diiwaan galinta taasoo sahashay in askari aan diiwaan gashanayn ama goobta uu ka howlgalo aan la ogayn uusan jirin hada.

Magaalooyinka waaweyn sida Gaalkacyo iyo Boosaso Waxaa la ga dhisay Ciidan tayaysan oo Mushaar joogto ah oo tayo sareysa qaata, Waxaa la sameeyey Ciidan u dhigma kuwo Qarab oo hadba ka howlgala goobta culeys ka jiro.

Waxbarashada iyo Caafimaadka

Xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa ku guulaysatay inay dhamaystirto Qaab-dhismeedka Manhajka Waxbarashada iyo Siyaasadda tacliinta sare,waxaana ay qabatay shirar Qaran oo kor loogu qaadayay Waxbarashada dalka.

Dawladda ayaa deeq Waxbarasho oo gudaha iyo dibada ah u dirtay Arday dhamaystay Waxbarashada Dugsiyada sare,iyadoo tixgalin gaar ah siisay siisay Ardayda wax ku barta dhulka ka baxsan Laamiga,waxaana Dawladu oo qiime gaar ah siinaysa haweenka ay Waxbarashada ka bixisay 145 oo dhigta Dugsiyada hoose,dhexe sare illaa heer Jaamacadeed,waxaa tababar Macalinimo oo laba sano ah loo furay haween dhan 33,halka kuwo kalena loso afmeeray.

Horumarka Waxbarshada iyo Caafimaadka Puntland oo sanadihii u dambeeyey hormuud u ahaa guud ahaan Soomaaliya ayaa xukuumada Madaxweyne Gaas waxay awooda saartey iney sii habeyso qaab dhismeedka Waxbarashada Puntland oo ay Xukuumadii hore ay soo gaarsiisay meel aad u sareysa, Xukuumadu waxay ku hawlan tahay sidii Puntland ay uga haqab tiri lahayd Waxbarashada Farsamada gacanta,dalkana looga hirgalin lahaa Iskuulo lagu barto.

Adeega Caafimaadka ayaa isna sare loo qaadey, waxaana la hirgaliyey

1-Talaal dhaamaystiran.

2-Bixinta Dawo tayo leh.

3-Gaarsiinta Gaadiid Caafimaad magaalooyinka baxsan laamiga sida Xaafuun, Bandar-beyla, Baargaal iyo Degmada Buuhoodle.

4-Bixinta Adeegyo Caafimaad oo ay ka mid tahay Adeegyada guurguura ee laga fuliyay dhulka Miyiga,kaasi oo ay ka faa’iidaysteen dad ka badan 3,000

Waxaa dalka ka socda dhismaha Goobo Caafimaad oo uu ka mid yahay dhismaha Cisbitaal ay dhisayo Dawlada Kuwait oo laga hirgalinayo Boosaaso,kaasi oo heer gabagabo ah maraya.

Tayaynta Magaalooyinka.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa noqotay Dawladii ugu horaysay oo isbadal dhab ah ka hirgalisay magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ku taala Xuduuda Puntland laga soo galo,taasi oo Waxqabadkeeda ay ku guuldaraysteen Dawladihii ka horeeyay.

Magaalooyinka Fogfog oo Baran u horeyso waxaa labadii sano ee lasoo dhaafay ay heleen mashaariic fara badan , waxaana qiimayn kusoo sameyey Wasiiro badan, kadibna waxaa ka bilowdey Mashaariic aysan horey u heli jirin.

Hormarka ay Dawladdu ka samaysay Gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah;-

1-Kor u qaadida Amniga iyo Cadaalada.

2-Hagaajinta Bilicda magaalada.

3-Soocelinta Hantida Dawladda.

4-Dhismaha Waddooyin Caris ah.

5-Dhismaha Madaxtooyada Gaalkacyo,dayactirka iyo dib-u-habaynta xarumo Dawladeed.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa cagta saartay Wadada hormarka.

Dhaqaalaha dalka,Xiriirka Beesha Caalamka iyo Dib-u-habaynta shaqaalaha.

Dawladda Puntland ayaa dhaxashay Culays dhaqaale iyo daymo badan markii ay timi xafiiska sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Xukuumadda Gaas ayaa ku guulaysatay Hagaajinta Maaliyadda,habaynta Canshuuraha,dhismaha Kastamka Tuur-dibi,waxaana dhaqaalaha laga dareemayaa dib u kabasho,mana joogo halkii uu joogay 2-sano ka hor.

Dawladda ayaa hormar balaaran ka samaysay xiriirka caalamiga ah,marka laga tago deeqaha dibada ay ka hesho iyo hormarinta Siyaasadeeda dibada,waxaa Puntland ay markii ugu horaysay ka qayb gashay shirar ay Soomaaliya u matalaysay.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa hirgalisay labadii sano ee tagay tirakoobka iyo Diiwaangalinta shaqaalaha,taasi oo aan horay Puntland uga dhicin.

Arrimaha Federaalka

Madaxweyne Gaas ayaa si dhab ah ula Xisaabtamay Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka hortagay Hagardaamooyin badan oo lala damacsanaa Ummadda reer Puntland,wuxuu ku guulaystay inuu ka takhaluso Nidaamka xaaraanta ah ee 4.5 oo dad badan hada u arkaan in didaamkaas uu sii shaqaynayo.

Shirkii u dambeeyey ee bishaan Decembar ka dhacay Muqdisho wuxuu qorshuhu ahaa in Go’aan cad lagu gaaro laakiin Go’aankaas waxaa si toosa uga horyimid Madaxweyne Gaas ka dib markii Villa Soomaaliya ay isku dayday inaysi khasaba ku ansixiyaan go’aan ku salaysan 4.5.

Ilaalinta Dastuurka, hirgalinta Federaalka iyo guud ahaan arrimaha Federaalka ayaa ah kuwo socda oo maalinba meel taagan.

Baahinta Maamulka.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa ku guulaystay baahinta maamulka,waxana la dhisay Golayaasha deegaanka 16-degmo.

La-dagaalanka Burcadbadeeda,Tahriibta,soo afjarida dagaalada Beelaha iyo Dib u heshiisiinta,ayaa sido kale labadii sano ee tagay ay Dawladu guul ka gaartay.

Marka aad qiimayso Waxqabadka baaxada wayn ee Madaxweyne Gaas,miyuusan Mudnayd innaan ku Abaalmarino shaqsiga Sanadkii 2015-ka.

Iskudoo duuboo Madaxweyne gaas wuxuu sanadkaan noqdey marka loo eego Akhristayaasha Puntlandi.com shaqsiga ugu saameynta badnaa sanadkaan 2015 Bulshada dhexdeeda, wuxuu kaloo noqdey Shaqsiga ugu hadal heynta badan iyo kan ugu waxqabadka badnaa guud ahaan Bulshada Soomaaliya dhexdeeda.

Sanadkii 2014 waxay akhristayaasha Puntlandi siiyeen abaalmarintaan Yusra Abraar linkiska hoose ka eeg..

http://puntlandi.com/yusur-abraar-oo-akhristayaasha-puntlandi-u-aqoonsadeen-shaqsiga-sanadka-the-person-of-the-year/

2

3

4

5

6

7

9

20

21


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles