Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Daawo Video)Abdi Warsame Oo Malaayiin Doolar Usoo Xareeye Somaalida Minneapolis

$
0
0

Minneapolis: Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayaa sharaxay malaayiin doolar uu u qoondeeyey Somaalida Minneapolis, kadib ansixintii miisaaniyada sanadka 2016 ee Magaaladaasi. Gudoomiyaha ayaa ku sifeeyey deeqahaan maalgalin loogu talagalay kobcinta tayada shaqaalaha, horumarinta dhalinyarada Somaalida, caafimaadka, waayeelka Somaaliyeed iyo dhiirigalinta dhismayaal ay awoodi karaan inay degaan dadka dhaqaalaha yar.

“Waxaan ku dedaalay in aan helno miisaaniyad ka tarjumi karto baahida dadka kunool degmada 6’aad iyo guud ahaanba Somaalida Minneapolis,” ayaa kamid ahaa hadalada uu ka yiri doodii miisaniyada magaalada Minneapolis.

Barnaamijyada uu maalgaliyey mudane Abdi Warsame ayaa waxaa kamid ah:

·$10 million loogu talagalay dhismaha iyo dhiirigalinta guryaha dadka reer tabareedka ah.

·$100 kun loogu talagalay maalgalinta xarun tababar shaqo loogu talagalay Somaalida. Xaruntaasi ayaa la qorshaynayaa in laga dhiso xaafada Cedar ay Somaalidu degto.

·$50 kun loogu talagalay maalgalinta “Somali 4H Club” oo ah barnaamij wax lagu baraayo caruur Somaaliyeed.

·$1 Million loogu talagalay guryo ay degi karaan xaasaska balaaran.

·$250 kun loogu talagalay kobcinta farsamada technologiga. Barnaamijkaan ayaa durba laga bilaabay xaafada Cedar.

·$42 kun loogu talagalay tayeynta xirfadaha la xiriira farsamada gacanta. Barnaamijkaan ayaa wuxuu ka baxayaa dugsi sare ee Roosevelt ee caruur badan ee Somaali dhigtaan.

·$20 kun oo markii u horaysay loo qondeeye wacyigalin la xiriirta cururka Autismka Somaalida Minneapolis si gaar ah u aafeeye.

·$20 kun loogu talagalay in lagu maal galiyo hidaha iyo dhaqanka Somaaliyeed.

·$100 kun loogu talagalay in lagu maalgaliyo urur u dooda kira dhiibayaasha Somaaliyeed.

· $100 kun loogu talagalay maalgalinta tarjumada afka Somaaliga, si Somaalida aan afka – Ingiriiska ku hadlo ay ula socdaan adeegyada magaalada.

Waa markii u horayse dhaqaalo caynkaan oo kale loogu talagalay Somaalida ay qayb kanoqotay miisaaniya magaalada Minneapolis. Mudane Abdi Warsame ayaa ah Somaaligii ugu horeeye ku biiro maamulka magaalda Minneapolis, islamarkaana ah gudoomiyaha gudiga canshuuraha magaalada Minneapolis.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles