Goordhow waxay Masuuliyiinta Soomaalidu soo wada saarayaan Warmurtiyeed ay ku sheegayaan in Wadahadalkii Hiigsiga 2016 oo shalay la sugayay in natiijo laga gaaro ay dib u dhigeen oo la isusoo laabanayo 5ta Janaayo 2016.
Arintaan ayaa timid kadib markuu shirku fashilmay, waxayna Beesha Caalamka oo Masuuliyiinta isugu yeertay Xalane ay soo jeediyeen in Wadahadalku sii socdo oo aan la oran wuu burburay.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hada waxay soo galeen Xayndaabka Xalane.
Raysal wasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa iyana la sugayaa.
Waxay soo Wada saarayaan Warmuiyeed dhowaan.
Puntlandi.com
Xalane-Muqdisho