ugu yaraan 50 Xildhibaan ayaa ka qayb galay kulan ay maanta Villa Hargeysa kula yeesheen Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake.
Kulanka oo ay Xildhibaanadu dalbadeen ayaa Raysal wasaaraha waxaa lagu waydiiyey su’aalo ku saabsan geedi socodka hanaanka Doorashada loo tabaabushaysano iney Dalka ka dhacdo 2016 ka, hadii Alle idmo.
Xildhibaanada ayaa Raysal wasaaraha waxay ku booriyeen in waxwalba oo loo marayo doorashadaas lagu saleeyo Dastuurka Federaalka ayna Xildhibaanadu indhaha ku heynayaan sida wax u socdaan.
Xildhibaanadu waxay kaloo dalbadeen wada shaqeyn joogta ah oi ay yeeshaan labada Gole.
Xildhibaanadu waxay kaloo Raysal wasaaraha uga digeen “Waxa ay ugu yeereen” Fargalin ka baxsan Dadka ay qusayso oo lagu sameeyo Hanaanka loo marayo Doorashada.
Kulanka dhexmaray maanta oo arboco ah Xildhibaanada iyo Raysal wasaaraha ayaa wuxuu ka dhacay Xafiisyada Villa Hargeysa oo Baarlamaanku ku leeyahay gudaha Villa Soomaaliya, Wuxuuna kulanku kusoo beegmayaa xili uu fashil ku dhamaaday Shirkii wada tashiga ee Xukuumada Federaalku waday.
Puntlandi.com
Muqdisho