Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News–Ciidanka Xaafada Baraxlay oo gacanta kusoo dhigey Ninkii toogashada ku diley Ganacsadaha, Dhaawacayna Xildhibaanka

$
0
0

breaking-nes-150x63-1Kadib markii Maanta Gaalkacyo lagu diley Ganacsade Daahir Aqwaan laguna Dhawacay Xildhibaan ka tirsan Maamulka Cadaado oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahaliil ayaa Masuuliyiintii labada dhinac ee Wadahadalku uga socday Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf Intr. ayaa durba go’aansadey in ciidan Khaasa oo labada dhinac ka socdaa ay baaraan dilka.

Hadaba Ciidanka Xaafada Baraxley oo ku raad joogey Kooxda Dilka geystay ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan Mid kamida Dadkii Dilka geystay iyo Gaarigii lagu fuliyey Dilka, Goor dhow ayaana saxaafada loosoo bandhigayaa.

Sida Puntlandi uu kasoo xigtay Masuul ka Tirsan Galmudug Dilku wax shaqo ah kuma lahayn Dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Gaalkacyo, Isla markaasna ma ahayn Fal argagixiso fulisay er wuxuu u muuqdaa Aano Qabiil, waa sida loo badinayo.

Waxaa kaloo Puntlandi loo xaqiijiyey in Ninka la qabtay uu san ahayn Reer Puntland balse uu yahay Qabaa’ iilada kale ee Dega labadaba Koonfurta Puntland iyo Dhinaca Galmudug.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles