Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wasiirka Ganacsiga Dowlada Federaalka iyo kan Korontada oo Xilkoodii waayay, Akhriso Wareegto xil ka qaadis laba wasiir oo qura

$
0
0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa xilkii looga qaadey laba Wasiir oo Xukuumada ka torsanaa, Kuwasoo kala ah.

1-Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan,

2-Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow).

Waxaa labadaan Wasaaradood loo magacaabay Wasiiro cusib.

Hoos ka alhriso Wareegtada

Muqdisho, November 23, 2016——-Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane.

Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyey qaar kamid Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Sidokale, Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow) waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles