Saaka waxay Gaalkacyo ku waabariisatay Howlgal laami lagu dhisi lahaa oo Dagaal isu badalay kasoo sababay lix dhimasho ah iyo Afartameeye dhawac ah dhinaca Puntland, dhinaca kale shacabka waxba ma gaarin lakiin Maleeshiyaadkii weerarka soo qaadey ayaa khasaarw aan lasoi koobin la gaarsiiyey, Sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen wararka aan ka helney Ciidanka.
Dhinaca Puntland Dadka geeriyooday waa Rayid dhawacana afar askari mooyee inta kale waa shacab.
Maleeshiyaadka Xaafada Baraxlay oo kasoo horjeedey Wadada ay Dowlada Hoose ee Gaalkacyo ay dayac tiraysay ayaa Waxay soo weerareen shaqaale rayid ah oo wadada ka shaqaynay , Waxaa xigey laba xabadood oo nooca culus ah(Madfac) oo ay kusoo rideen Xaafadaha Garsoor iyo Israac kasoo sababay dhimashada Afar ruux oo caruur ku jirto, Waxaa xigey weerar gaadmo ah oo ay Rasaas ku fureen dad rayid ah.
Durba waxaa bilowdey Dagaal waxayna Ciidanku ku guuleysteen iney Maleeshiyaadka ay kasaaraan Magaalada dhexdeeda (Xaafada Baraxley) waxaana ay u carareen oo looga daba tagay banaanka Koonfureed ee Magaalada.
Khasaaraha dhankooda soo gaaray lama sheegin balse askari ka tirsan Ciidanka ayaa Puntlandi u sheegay in 12 laga diley Maleeshiyada.
Taliyaha Ciidanka Howlgalka Fuliyey gaashaanle Sare Cabdirshiid Xasan Xaashi ayaa Saxaafada u sheegay in weerarku ahaa Mid qorsheysnaa oo Maleeshiyaadka Dagaalamayay waxay ahaayeen kuwo lasoo hubeeyey oo lasoo abaabuley, Waxaana ka dambeeyey Maamulkii Cadaado lagusoo dhisay.
Hada Magaaladu aad ayay u dagan tahay dhibkii saaka mooyee xabad kale kama dhicin Gudaha Magaalada.
Ciidankuna waxay ku sugan yihiin Koonfurta magaalada.
Sargaal ka tirsan Ciidanka oo Puntlandi la hadley wuxuu yiri ” Waan soo afmeeray howlgalkii maanta, hadana heegan baan nahay, Waan u sheegney shacabka Xaafada Baraxlay in ay ka tiktoonaadaan Maleeshiyaadka guryahooda ku gabanaya oo xabadaha ka soo ridaya, Waxaan u sheegney in gurigii xabad lagasoo rido ay ciidanku ka jawaabayaan, Waan og nahay cida soo abaabushey waana heynaa cadoomahooda”.
Mar aan wax ka waydiiney Sargaalka Khasaaraha dhanka Maleeshiyaadka soo gaaray wuxuu yiri ” Dhimasho badan baa gaartay, Qaar dhawac ah waan heynaa, laakiin tiro kuuma sheegi karo”,
Iskusoo duuboo Magaalada Gaalkacyo hada amaankeedu waa degan tahay.
Wariyayaasha Puntlandi ee guud ahaan Puntland ayaa indhaha ku haya Xaalada Gaalkacyo oo wixii wara iyo xogba idiinsoo ururinaya ee haka dheeraan Puntlandi.com
Puntlandi.com
Gaalkacyo