Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo hogaaminayay Wafdi labada Gole ah oo loo diray inay soo baaraan soona booqdaan Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, Waxa ka jira wararka sheegayay in ay Kenya Gidaar ka dhisayso gudaha Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Wagdigu waxay cadeeyeen inuusan jirin wax isbadal ah oo lagusameeyey Xuduuda, Waxay kaloo sheegeen in Kenya ay Gidaarka ay dhisaso ay ka bilowdey gudaha Kenya, “Dhulka la qoday oo loo diyaariyey Gidaarka waa Gidaha Kenya, Dhinaca Soomaaliyana ma ahan, Xuduudu waa siday awal ahayd oo Kenya kuma xadgudbin dhulkeena”. Ayuu yiri Xildhibaan la hadlay Puntlandi.com.
“Wararka ka dhanka ah Kenya ayaa ahaa been abuur iyo Olole looga gol lahaa in Ciidanka Kenya ee Jooga Jubbaland khalkal siyaasadeed la galiyo. “ Ayuu yiri Sargaal ka tirsan Jubbaland oo Puntlandi la hadlay.
Puntlandi.com