Shir jaraa’id oo ay wada qabteen Wasiirka Arimaha Gudaha Sweden Anders Ygeman iyo Xubno ka socda Wasaarada Socdaalka iyo Arimaha Qaxootiga ayay ku soo bandhigeen in Sweden ay si ku meel gaar ah Xuduuda ugusoo rogtay kontorool joogta ah laga bilaabo Khamiista 12 bishaan Novembar abaaraha 12ka duhurnimo markay saacadu tahay.
Dowlada Sweden waxay uga gol leedahay Kontoroolka Xuduuda lagusoo rogay in laga hortago lana xakameeyo Qoxootiga faraha badan ee Dalkooda kusoo qulqulaya.
Xuduuda lagusoo rogay Kantaroolka waa Xuduuda u dhaxaysa Sweden iyo Denmark iyo waliba Xeebaha ay kusoo xirtaan Doonyaha ka yimaada Jarmalka.
Sida Wasiirka Arimaha Guduhu Sheegay Kontoroolku wuxuu soconayaa toban cisho lagana yaabee in lasii dheereeyo ayuu yiri Wasiirku.
Qoxootiga faraha badan ee ku sugan Dalka Jarmalka ayaa caadi ahaan waxay usoo qulqulaan Dalalka Sweden iyo Norway iyagoo cagta soo mariya Dalka Denmark oo badankoodu aysan doonayn iney iska dhiibaan waayo Denmark horey ayay cod dheer ku sheegeen ineysan Qoxootiga ay qaabilaan ay sharuudo adag hor dhigayaan markay dalbanayaan Eheladooda in loo keeno tasaana keentey in Qoxootigu ay ka leexdaan ayna iska dhiibaan Sweden.
Dalalka Yurubta Galbeed Xuduudoodu way isu furantahay oo wax kantarool ahi kama jiraan, bilihii lasoo dhaafayse muran badan ayaa ka taagnaa sababtoo ah Qaxootiga faraha ka baxay ee kasoo qulqulaya Siiriya iyo Ciraaq iyo waxoogaa Afrikaan ah oo kusoo dhex dhuumanaya.
Soomaalida ayaa iyana ka faa’iideysta xuduudaha furan oo iyagu badanaa kasoo gala Dalka Talyaaniga iyagoo soo dhex maraya Jarmalka.
Puntlandi.com
Swdeden