Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

WAR DEG DEG:— Dowladda Puntland oo si buuxda u taageertay Heshiiskii Addis Ababa ee DF iyo Jubaland

$
0
0

Dowlada Puntland ayaa tageerey heshiiskii dhowaan ku gaareen magaalada Addis Ababa maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii maanta 1 Sept, 2013 kulan saacado badan socdey ku wada qaateen magaalada Nairobi wafdi ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha maamulka Jubaland iyo Madaxweynaha dowlada Puntland.

Kulankaan oo arrimo badan lagu falan qeeyey ayaa waxaa kasoo baxey in dowlada Puntland tageerto heshiiskii Addis Ababa ku kala sixiixdeen maamulka Jubaland iyo dowlada Federaalka.

Warsaxfadeedkaan ayaa waxaa ku xusan in dowlada Puntland tageereyso go’aan walba oo xal loogu gaarayo arrimaha murugsan ee Somalia.

WAR SAXAAFADEED

Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay.

Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda.

Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.

Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ay ciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa.

Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

— DHAMMAAD —


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles