Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maalmahaan shaacinayay in Shirwayne Soomaaliyeed uu Muqdisho ka furmi doono kasoo maanta furmay, lakiin xaqiiqda shirka ayaa ah inuusan ahayn Mid Qaran balse ay isugu yimaadeen oo qura, Dabcan beeshaasoo Beesha Caasimada afduubka ku haysata.
Dowlada Puntland horey bay u shaaciyeen ineysan shirkaas waxba kala socon,aana lagala tashan, Somaliland warkeedaba daa, Bay iyo Bakool iyana waxay qaadaceen wada shaqayntii kala dhaxaysey Villa Soomaaliya, Jubaland iyana waxba kama oga shirkaas, marka su’aashu waxaa weeyey Ma shirka lagu casumay Gal Mudug iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka Muqdisho iyo NGO-yada Muqdisho baa shir Qaran ah?.
Shirka ayaa ah mid beesha caalamka loo tusayo inuu yahay Shir Qaran balse waxaa xaqiiq ah in Beesha caalamka ay ogaan doonto sidey doonto ha u ogaatee Xaqiiqda Shirka, taasina waxay muujineysaa Dabac sanaanta iyo Siyaasad xumada Dadka ku hareeraysan Madaxweynaha ee ka dambeeyey fikirkaan Qaldan oo god ku ridaya hanaanka dowladnimada loo doonayay Soomaaliya, waana Fadeexad hor leh oo soo wajihi doonta Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Kooxdiisa.
Waxaa intaas dheer in kooxa shirka laga casuumay ay u badan yihiin kooxo kasoo horjeeda Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Puntlandi ayaa horey wax uga qoray Erayga Qaran oo si qaldan Muqdisho loogu adeegto(Halkaan ka akhri Qoraalkaas)
Waayadaan Dambe waxaa Muqdisho ka socdey boob iyo nidaam cusub oo boobkaas lagu sharciyeysanayo kasoo ah in si qaldan loo isticmaaley Qaranimadii Dalka, Hay,adihii Dowlada waxaa NGO ahaan loo siiyey dad gaara, Ururadii Bulshada kaba sii daran, waxaana Ururu walba iyo Hay’ad walba gadaal laga raaciyey Qaranka soomaaliyeed. tusaalayaashaan hoose bal eeg..
Waxaad Xamar ka maqlaysaa
Ururka Qaranka Suxufiyiinta.
Ururka Odoyaahsha Qaranka Soomaaliyeed,
Telefishanka iyo Idaacada Qaranka Soomaaliyeed,
Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,
Ururka Ardeyda Qaranka Soomaaliyeed,
Ururka Beeralayda Qaranka Soomaaliyeed,
Hay’ada Qaranka ee Xuquuqul Insaanka.
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA),
Xiriirka Kubada Kolayga Qaranka Soomaaliyeed,
Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed
Xiriirka Kubada cagta Qaranka Soomaaliyeed,
Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Qaranka Soomaaliyeed iyo qaar kaloo badan.
Hay’adahaan iyo Ururadaan dhamaan waa NGO iyo wax la mid ah balse Dowlada xasan Sheikh ayaa dad ku naas nuujineysa.
Waxaase taas kasii daran oo lama filaan Qof walba ku noqotay in Shir weynayaashii Nabadeynta iyana la isku naas nuujiyo oo loogu yeero Shir Qaran.
Sawirka hoose waaa safarkii Madaxweynaha ee Jaban, Wafdiga la socdaa waa hal reer, waxayna matalayaan Qaranka Soomaaliyeed,
Puntlandi.com
Nairobi