Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhaweyd lagusoo dhaweeyey Gagida Diyaaradaha Aaden Cade International ee Magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyey Raysal wasaare Sharmaarke iyo Masuuliyiin ka socda labada Gole ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa Muqdisho uga qaybgalaya Shirweynihii looga arinsanayay Doorashada 2016 ee Dowlada dhexe kasoo lagu wado inuu caawa ka furmu Villa Soomaaliya.
Amaanka Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa ayaa Wax laga badalay waxaana hada amaankooda loo adkeeyey si kasareysa xiliyadii hore ee ay Imaan jireen Muqdisho ka dib markii safarkii hore ee Madaxweynaha uu Qarax weyn uu ka dhacay meel aan ka fogayn Villa Soomaaliya kasoo shakiyo badan abuuray.
Wararka dambe ee Puntlandi kala soco Warbixin ku saabsan Amaanka Madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisa oo Wax laga badalay.
Puntlandi.com
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Soomaaliya