Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawirada Roobabkii Da’yrta oo Gaalkacyo ka bilowdey

$
0
0

Roob lagu diirsaday ayaa shalay illaa xalay ka da’ay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda,kaasi oo dadka iyho Duunyadu ay si wayn ugu diirsadeen.

Inkastoo Abaaraha sanadkaan ay ku xooganaayeen Gobolada Kale ee Puntland oo aan iyagu wali roobeysan hadana Gobolka Mudug waxaa hada ka bilowday Roobkii Da’yrta.

Roobka hada ku hoorey Gaalkacyo oo biyo badan dhigey,waxaana la arkayay Waddooyinka oo ay xareedi jiifto.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa qaybo ka mid ah Gobolada Puntland laga dareemayay Abaaro,waxaana qayb ka mid ah degmooyinka Puntland laga sameeyay Isusoo bax Roob doon ah.

Si kastaba ha ahate,Roobaka dayrta ee ka curtay Gaalkacyo ayaa kuso beegmaya xilli Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay dhowaan shaacisay in Gobolo ka mid ah  Puntland ay ka jiraan Abaaro.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

1 2 3 4 5 6 7

www.Puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles