Masuuliyiinta Maaliyadaha Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyada Federaaka Soomaaliya Maxamed Aaden Fergeeto ayna kamid yihiin Wasiirada Maaliyada Dowlad Goboleedyada iyo World Bank ayaa heshiis kuwada Saxiixdey Nairobi heshiiskasoo lagu hirgalinayo Mashruuc casri ah oo loo adeegsan doono bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowliga ah Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdullahi sheikh Axmed ayaa dhanka Puntland u saxiixay waxaan Mashuuracan dhanka Puntland ku baxaya Aduun gaaraya 40 milyan oo Dollar.
Wakiilka World Bank u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Bella Bird oo Fadhigeedu yahay Nairobi ayaa heshiiska saxiixdey Waxaa iyana heshiiskaas mid la mida qayb ka ah oo iyana si gooni gooni ah loogu hirgalinayaa Mashruucaan oo kale Maamul Goboleed yada Kale iyo Dowlada Federaalka ah.
Heshiiska Waxaa Si guud Dhinaca Soomaalida u Saxiixey oo goob joog ahaa isna Wasiirka Maaliyaa Ee Dowlada Federaalka Maxamed Aaden Fargeeti halka World Banka ay u saxiixdey Bella Bird .
Waxaa Heshiiska Goob joog ahaa kana dambeeyey Mashruucan oo waxna ka saxiixey Wadamada Midowga Yurub ee Soomaaliya daneeya.