Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shirweynihii Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark (Aarhus) oo Xalay dhacay iyo Gudoomiye iyo Gudiga oo la doortay

$
0
0

Xalay waxaa Caasimada labaad ee Dalka Denmark Magaalada Aarhus ka dhacay Shirwaynihii Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark, Shirweynaha oo laba sanadle ah waxaa lagusoo bandhigey Waxqabadkii Jaaliyada, Waxaana lagu doortay hogaanka Jaaliyada hogaamin doona labada sano ee soo socota hadii Illaah idmo.

Gudoomiyaha Jaaliyada waxaa loo doortay Gudoomiyihii hore Saciid Daahir Dhimbil oo markay Xubnaha Jaaliyadu arkeen howsha muhiimka ah oo daacadnimada leh ee uu u hayo Jaaliyada, Waxaa Cod aqlabiyad ah loogu codeeyay inuu Hogaanka Jaaliyada sii hayo labada sano ee soo socda.

Gudigii hore oo ka koobnaa 11 xubnoid waxaa iskasoo sharaxay 8 kamid ah oo run ahaantii howlwanaagsan soo qabtey waxaana la doortey Sideedoodii iyo sadex xubnood oo cusub.

Sawirada iyo Video-ga Shirweynaha Gadaal ayaan idiinkasoo Gudbineynaa.

Sawiradaan hordhaca ah waa Gudoomiyaha iyo Gudiga Jaaliyada Puntland ee Denmark.

Puntlandi.com
Garowe

20151003_220127
Gudoomiyaha La doortey Saciid Daahir Dhimbil

4-1-1
Gudiga la doortey ee Jaaliyada Puntland ee Denmark


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles