Suldaanka Guud ee Bersha Reer Biciidyahayn Suldaan Cabdiqani Suldaan Xassan Suldaan Xaaji Calibaale oo iminka booqasho ku jooga Dalka Norway ayaa baaq nabadeed wuxuu u diray Beelo walaalo ah oo Dagaal ku dhexmaray Gobolka Sool iyo Nigaal.
Suldaanka oo ku hadlaya Magaca Beesha kan cuqaasha iyo Nabadoonada wuxuu isagoo ka xun Dagaalkaas sokeeye uu ku baaqay in si degdega Xal waara oo nabadeed looga gaaro Dagaalkaas sokeeye.
Suldaanku wuxuu ku baaqayaa in xiligaan laga gudbay Dagaal sokeeye oo dhiig ku daato sidaas awgeed ay walaalaha Dagaalku dhexmaray ay xal wanaagsan ka gaaraan, nabadana wada qaataan ayna ka shaqeeyaan inaan dhiig dambe uusan daadan.
Intii dhimatay illaahay ha u naxariisto inta waxyeeladu soo gaareyna Alla ha caafiyo.. Aaamiiin Aaniin. ayuu yiri Suldaanku