Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xujay Soomaali ah maku jiraan Dadkii ku dhintay shilkii ka dhacay dalka Sucuudiga?.

$
0
0

minaDhimashadu waxay hada maraysaa 717 Qof, dhawucuna waa 830 Xujey ah, Shilkaan maanta ka dhacay Xaramka barakaysan ayaa yimid kadib markii ay dad fara badan isbuurteen, dadka dhintay waxaa ku jira waayeel badan.

Shilku wuxuu ka dhacay Wadada loo yaqaan Street 204 oo u u dhexeeya Xeryaha la degan yahay iyo Goobaha lagu cibaadeysto Xaramka, Xiriiryo badan oo aan la sameyney Soomaali xujey ah nooma aysan sheegin wax Soomaali ah oo ka mid ah dadka waxgaareen , walina waxaan Wadnaa baaritaan ku aadan in Soomaalida xujeyda sanadkaan ah ay wax ku gaareen shilkaan iyo in kale.

Sida ugu sahlan ee aad ku ogaan kartid in Eheladaada soo xajiyaysay ay bad qabaan iyo in kale waa adigoo la xiriira Shirkada qaadey Xujeyda, (Agency-ga), Sababtoo ah Dadka Xujeyda ah waxay isula socdaa koox koox, oo Shirkadaha qaadey ayaa masuul ka ah deegaankooda iyagaana laga heli karaa faahfaahinta buuxda.

Ma aha markii ugu horeysay ee shil noocaan ah uu ka dhaco xajjka,waxaana uu shilu qayb ka yahay shilal horay uga dhacay dalka Sucuudiga.

Wixii kaso kordha kala soco Warsidaha Puntlandi.com.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles