Gudiyadii matalayay Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa soo saarey Warmurtiyeed, Warmurtiyeedka ayaa u qoran sidaan hoose
WAR-MURTIYEED
Daahfurka Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorshada Sannadka 2016
Kulan saddex maalmood socday oo lagu qabtay Villa Soomaaliya, Muqdisho 19-21 kii Sebtembar 2015. Kulankaas oo ay isugu yimaaddeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar C. C. Sharmarke, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli M. Cali-Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aden, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Madaxda oo ka ambaqaadaysa Qorshe Hawleedkii shirkii Wadatashiga Heerka Sare (HLPF) ee ka dhacay Muqdisho bishii Luulyo 2015 ee ay madaxdu isla oggolaadeen in ay daahfuraan Madasha Wadatashiga Qaran. Madashaas oo kulankeeda ugu horreeya uu dhici doono 14-ka bisha Oktoobar ayaa looga wadahadli doonaa qaabka ugu habboon ee sannadka 2016 dalka looga hirgelin karo doorasho ku dhacda jawi nabad ah oo hufan.
Madaxdu waxay markale isla oggolaadeen sida ay uga go’an tahay meel marinta wadatashi dimuqraadi ah, daah furan, loo dhan yahay, isla markaana ku salaysan Mabaadi’da Hagaysa iyo Qorshe Hawleedkii la isku raacay Shirkii Watashiga Heerka Sare ee ka dhacay Muqdisho 29-30 Luulyo 2015.
Iyadoo la tixraacayo labadaa qoraal ee kor ku xusan ayay madaxdu isku raaceen in la sameeyo qaab-dhismeedka iyo waajibaad hawleedka ee Madasha Wadashiga Qaran.
Madashu waxay kulminaysaa Madaxda Federaalka, Madaxda Dawlad Goboleedyada, Wakiillo ka socda Baarlamaanka Federaalka ah, Dawlad Goboleedyada, xubno matalaya gobollada aan lahayn dawlad-goboleed, iyo xubno matalaya Bulshada Rayidka ah. Sidoo kale waxay madashu yeelan doontaa guddi Howleed iyo guddi farsmo oo hoos imaan doona Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Labada guddi waxay diyaarin doonaan qorshe-tilmaameed ka hor waqtiga shirka, kaasoo tilmaan ka bixin doona habka wadatashiga qaran u dhaci doono iyo hanaanka loo
kala dooran doono qaabka ugu habboon ee doorashada 2016 lagu qaban karo.
Marka uu shir-weynaha Madasha Wadashiga Qaran meelmariyo Qorshe-Tilmaameedka, ayaa guddi howleedku kulamo wadashi la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobolada Dalka oo idil bilaha Oktoobar iyo Nofember, 2015-ka.
Waxaa kaloo madaxdu isla garteen in shir-weynaha Madasha Wadashiga Qaran mar kale la qabto bisha Disember 2015-ka, si uu dib u eegis ugu sameeyo wixii ka soo baxay wadatashiyada dadweynaha. Kulankaas waxay Madashu isku raaci doontaa hannaanka ugu habboon ee ka soo baxay kulamadii wadatashiyada ahaa ee dalka doorasha uga dhici karto 2016-ka. Waxaa kaloo madaxdu isla meel-dhigeen in hannaanka doorasho ee la isku raaco ay hay’adaha Federaalka ee ay khusayso sharci ku meel-marin doonaan ugu danbayn bisha Janaayo 2016.
Waxay madaxdu go’aamiyeen in mudnaan gaar ah la siin doono haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tira badan yahay si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan habasami u socodka hawlaha Madasha Wadatashiga. Waxaa kale oo la garawsaday in natiijada ka soo baxda wadatashiga Madasha ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed wada matesha kana turjunta rabitaanka iyo yididiiladda shacab ee hannaan doorasho oo loo dhan yahay, daah furan lagana wada qaybgalo.
Furitaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa wakiillo ka socda beesha caalamka. Madaxada qaranku waxay ku boorriyeen beesha caalamka in ay ay gacan weyn ka gaystaan hawlaha Madasha Watadashiga Qaran, gaar ahaan wixii farsamo iyo talo-bixin ah.
Dhammaad