Amniga Caasimada Soomaaliya ayaa kasii daraya kadib markii maanta Qarax gilgiley Muqdisho lala beegsadey Villa Soomaliya iyo Hotel SYL dhexdooda xili ay wadada marayeen Gawaari UN-tu leedahay.
Dhimashadu waxay ilaa hada waxay maraysaa 7 Askarta oo illaalada Qaramada Midoobey ah iyo 2 rayid ah kuligoodna waa Soomaali, Dhawucu waa 19 uu nin Cadaana ku jiro.
Illaa hada macada in Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nickolas Kay uu saaraa Gawaaridaas xiliga la weeraray.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xiliga Qaruxu dhacay wuxuu ku sugnaa gudaha Hotel SYL wuxuuna Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay goobta Qaruxu ka dhacay u jireen in ka yar 100 mitir.
Ciidamada Illaalada Madaxweynaha Puntland ayaa durba isku goob isugu keenay Madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisa waxayna aad u adkeeyeen Amnigooda.
Puntlandi.com
Muqdisho