Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Al-baabka gadaale ee Villa Soomaaliya, wadada u dhaxaysa Villa Soomaaliya iyo Hotel SYL, Waxaa xiligaas marayay Wadada Baabuur ay UN-ku leeyihiin , ma cada in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uu saaraa Gawaaridaas iyo in kale, sida Puntlandi xogta ku hayo dhimashadu waa saddex qof ugu yaraan 19 dhawac ah.
Mas’uuliyiinta ku shirsanaa Muqdisho oo ay midka ahaayeen Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Axmed MAdoobe wax saameyn ah kuma yeelan Qaruxu oo xiligaas ma aysan joogin nawaaxigaas iyo Villa Soomaaliya, waxaase Villa Soomaaliya ku jirey Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubbaland.
Raysal Wasaare Cumar vcabdirshiid ayaa isna Villa Soomaaliya ku jiray xiliga Qaruxu dhacay.
Sida ay Puntlandi Warka ku hayaan Ciidamada illaalada Madaxweyne Gaas ayaa sare u qaadey amaanka Wafdiga Puntland.
Puntlandi.com
Muqidsho