Ururka Sahal oo saldhigiisu yahay Magaalada London ayaa Warsaxaafadeed uu soo saarey waxay ku taageereen Madaxweynaha iyo Shacabka Junbbaland.
Warsaxafadeedka ayaa u qoraa sidaan hoose.
Ururka Sahal
Sahal Organization
Warsaxaafadeed
London UK 14 Sep.2015
Assalamu Alaikum Warahmatullahi Wabarakatuhu:
KU: Dowladda Jubba land State of Somalia
KU: Dowladda Fedralka Somalia
KU: Dowladda Punt Land State of Somalia
KU: Dowladda South West State of Somalia
KU: Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia ( UNSOM)
KU: Urur Goboleedka Igad
KU: Wasiirada iyo Diplomasiinta kale ee Beesha Caalamka
Ujeeddo: Bayaan Taageero Dolwadda Juba Land iyo Shacabkeeda
Ururka Sahal, waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 14 Sept 2015 ay Bayaan taageero ah u gudbinayaa, Dowladda Jubbaland iyo Shacabka Jubbaland, caleema saarkii Madaxweynaha Dowlada Soomaaliyeed ee Jubbaland oo ay doorteen shacabka reer Jubbaland taariikhdu markii ay ahayd 15/08/2015, iyo martigalintii wafuudda caalamiga ah, iyo madaxda dowladaha qaybta ka ah Fedralka Somalia iyo Maamul hoosaadka Galmudug. taariikh 13 Sept 2015- 14 Sept 2015.
Waxuu uruka Sahal oga hambalyaynayaa, shacaka reer Jubbland sida xigmadda, garashada, mas’uuliyadda, iyo dareenka wanaagsan ay ugu muujiyeen marti sharaftii kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka iyo waliba qabashadii shirkii loogu gogol xaarayay qaab socodka hanaanka dowladnimo ee ay Somaliya qaadan doonto 2016 haddii eebbe idmo.
waxay Jubbaland muujisay, iyada oo aan garab dhaqaale, iyo mid difaacba ka helin cid kale inay u guntato qabashada shirkii mugga waynaa ee ka dhacay Kismaayo Taariikh 13/09/2015 oo Indhaha Beesha caalamka Tusmo iyo muuqaal wanaagsan ka bixiyay.
Waxay shacabka reer Jubbaland Muujiyeen, inay isku filan yihiin, qaban karaanna shirwaynaha aayaha Somaliya dhawaan iyo xilli dambaba.
Ururka Sahal, waxa uu ku bogaadinayaa Shacabka iyo Dowladda jJbbaland inay si wadajir ah uga shaqeeyaan, Midnimada, Cadaaladda, Nabadgalyada, Horumarka, iyo wada shaqaynta.
Ururka Sahal iyo taageerayaashiisaba, waxay idin rajaynayaan GUUL, HORUMAR, BARWAAQO & BASH-BASH.
Mahadsanidin
Ururka Sahal UK