Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawiro Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo kusoo laabtay

$
0
0

WARBIXIN+SAWIRRO :Madaxwynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo  ayaa maanta oo taariikhdu 14-9-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib safar qaatay muddo 4maalmood ah oo uu kujoogey Magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad goboleedka Jubba-land.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaamiyey ayaa garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Airport ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo dhoweeyey Guddoomiyha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xassan Shire, Xubno ka kala socdey Golayaasha dawladda, Saraakiil ciidan iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta uga warbixiyey  safarkiisa oo kusaabsanaa kaqaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha Jubba-land kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoyga uu ka deganyahay magaalada Gaalkacyo.

Waxaana uu sheegay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Safarkiisu inuu ahaa oo keliya kaqaygalka Caleemo saarka Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jubba-land arrintaasina ay guul ugu soo dhammaatay, wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Gaas inuu salaantii uu shacabka Puntland kaqaaday uu ka gaarsiiyey Madaxweynaha Jubba-Land iyo Shacabkiisaba sidookalen uu mid taa lamid  ah kawada Reer Jubba-land Madax iyo shacabba.
IMG_2367IMG_2378

IMG_2376

IMG_2361

IMG_2358

IMG_2311

IMG_2355


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles