Ururka Jubaland Initiative Lobby waxa uu si buuxda u taageerayaa heshiiska maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka Somaliya ku gaareen caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.
Heshiisku waxaa uu ahaa mid baal cad lagaga qoray taariikhdii mugdiga aheyd ee Soomalia ku soo jirtay 20kii sano ee u dambeeysey. Sidoo kale waxa ay albaab nabadeed u furtay Jubbaland oo dhibaato badan ay ku hayeen kooxo doolaal ugaga yimid meelo kale.
Heshiisku waxa uu hordhac ku dayasho leh u noqon doonaa wadahadal kasta oo dhec maraa ummadda Somaliyeed ee walaalaha ah ee colaadda kala ooday.
Heshiisku waxaa uu ahaa mid sabar siiyey khas wadayaal damac u khaas ah ku dhibaateeynayey dadka degaanka ka soo jeeda.
waa heshiish taariikhi ah, ka tarjumaya rabitaanka dadka degaanka, tixgelinaya deris wanaaga wadamada deriska ah.
Ururka JIL oo mudo badan ololo ugu jiray sidii maamulka Jubaland dhidibada loogu aasi lahaa, dagaal cilmiyeysana kula jiray kuwa hagar daameeynaya taabo galkiisa, waxa uu sii buuxda u taageerayaa heshiiskaas, uguna baaqaya in dhamaan laga wada qeyb qaato fulintiisa.
Maamulka JIL iyo taageerayashiisa waxa ay hambalyo u dirayaan Maamulka Jubbaland wanaaga iyo xikmadda ay ku xalliyeen khilaafka kala dhexeyey dowladda Federaalka.
NABAD, CADDAALAD, BARWAAQO
Mahadsanidiin
Maxamed Yusuf
Gudoomiyaha JIL
BRUSSEL, Beljam.
email: somalisson@yahoo.com