Jaaliyada Gobolka Gaardafuu Puntland ee UK oo shir isugu yimid ayay uga wada hadleen Horumarinta Gobolka Cusub iyo ka shaqaynta isku duubnida shacabka Puntland, kulanka oo uu khadka Teleefoonka uga Qaybqaatey Beeldaaje Ismaaciil Beeldaje Yaasin, ayaa isna Jaaliyada uga warbixiyey Xaalada deegaanka , kulanka ka dib waxay jaaliyadu soo saareen Bayaankaan hoos ku qoran.
Sawirada ka daawo Bayaanka hoostiisa
Wada tashiga Shirka beelaha degaanada Calbari
(Gobolka Gardafuu) ee Londo. Sabti, 24/08/2013
Waxaa maalintii sabtida oo ay taariikhdu ahayd 24/08/2013, magaalada London ee caasimada wadanka Britain ka dhacay shir balaraan oo ay isugu yimaadeen qurbajoogta beelwaynta Calbari (siwaaqroon) , shirkaas oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka kala timi dhamaan gobolada dalka UK iyo wufud kale oo ka kala timid wadamada yurub, waxaa dhinaca khadka telefonka kaga soo qayb galay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaje Yaasin iyo aqoonyahano kale.
Shirkan oo lagu lafa guray qodobo fara badan taas oo looga hadlay horumarinta deegaanada ay beeshu degto iyo sidii loo soo dhowayn lahaa Gobolka Gardafuu oo noqday gobolkii sagaalaad ee gobolada Puntland.
Shirkaas ayaa waxaa hadalo qiimo badan oo dhinacyo kula duwan taabanaya ka soo jeediyey, siyaasiyiin ruug cadaaya, aqoon yahano, haween iyo dhalinyaro.
Markii ay beeshu isla qaadaal dhigtay oo ay gorfaysay xalada deeganada ay beeshu degto waxay gabo gabadii shirkaas soo saareen bayaankan hoos ku xusan:
- Beeshu waxay ayiday magacaabidii gobolka Garadafuu oo ahayd rabitaankii beesha ka rabtay maamulka Puntland, mahadna uga celinayaan maamulka Puntland oo ka jawaabay rabtaankii bulshooyinka dagaanadaas dega.
- Beeshu waxay ku boorinaysaa in ay beelaha degan gobolka cusub ee Gardafuu in ay dhamantood gacmaha is qabsadaan si isku duubnina ugu qeybqaataan dhismahiisa.
- Shir gudoonku waxuu u soo jeedinayaa Madaxda, Isimada , Nabadoonada, Culumaa’udinka, Ganacsatada, Aqoonyahanada, Haweenka, Dhalinyarada, iyo dhamaan wax garadka beeshu in ay arinkan ka shiran iswaydiyaana baahida ka jirta iyo sidii gobolkaas loo horumarin karo.
- Shir gudoonku wuxu u soo jeedinaya shacbi waynaha beelaha degan Puntland state, in ay ka shaqeeyaan walaalaynta, nabadgelyada gobolka, iyo nabad ku wada noolaashaha bulshada Puntland .
- Shir gudoonku wuxu u soo jeedinayaa , Hay’adaha caalimaga iyo kuwa gudahaba in ay tagaan, gobolka cusub ee Gardafuu, degmooyinkiisa , tuulooyinkiisa iyo dhaman deeganada uu ka kooban yahay, kuna darsadaan qorshohooda soo socda si ay ugu qaybgalaan hormarkiisa.
- Gobolka Gardafuu oo ah gobol muhim ah, iskuna xira khaliijka carabta iyo Africa, in ay maalgashayaasha gudaha iyo debaduba tagaan gobolkaas, kuna sameeyaan, maal gelin taas oo anu hubno in laga wada faa’iidayo.
- Dhamaan jaaliyaaadka u dhashay deegaanka gobolka Gardafuu ee debeda ku nool waxaa gudoonka shirku ugu yeerayaa in ay horumarinta gobolka ka qayb qaataan.
Bayaankan waxa ku saxiixan bahdan hoos ku qoran:
- Mudane Aadan Mohamed Ali.
- Eng:Farah Mohamud Dooxa Joog.
- Said Yusuf Muse (Said Awgaab)
- Faarax Mohamed Faarah (Fuqayare)
- Yusuf Ahmed Mohamud (Bare faatax)
- Caydaruus Abdi Ismail (Xeyle Balbalaare).
- Ahmed Suleymaan Cawad
- Ali Mohamed Mohamud (Ali Bile)
- Mohamed Bashir Omar Samantar
- Abdi Said Xaaji xoore
- Mohamed Isse Ali Koonte(Digeeye)
- Said Saleh Seed
- Abdi Yusuf Isse (Cadde)
- Abdirasaaq Saalah Mohamed (Abdi Bangah)
- Hassan Nuur Axmed (Matoote)
- Abdi Mohamed Muuse (Abdidiyaana).
- Ahmed Nuur Abbaas.
- Abshir Xareed Cali Daad.
- Abdiqani Ahmed Hassan
- Abshir Sh. Mohamud Yusuf
- Mohamed Sh. Mohamud Yusuf (M. Carab)
- Mohamud Mohamed Salah (Bangax)
- Eng; Ali Mohamud Mohamed (shabeelo)
- Ayaanle Mohamed Aadan
- Mohamed Caydaruus Cabdi (Inni Xeyle Balbalaare)
- Bashiir Caydaruus Cabdi (Inni Xeyle Balbalaare)
- Saalah maxamed Saalah (Saalah bangax)
- Mohamed Mohamud Siad (AbbaJeli)
- Abdiqani Hassan Nur Matoote
- Abdulkadir Yusuf Mohamed (Iidi)
- Aasiyo Macalin Abdi
- Sahra Mohamud Mohamed (Haji Halwo)
- Muxubo Salah Gaabshe (Jabaan)
- Shukri Said Ahmed Xoolonool
- Hawo Mohamed Mohamud Daldal
- Nimco Bashiir Haji Said
- Saido Yusuf Muse
- Billan Mohamud Mohamed (Gaaseed)
- Safiyo Abdulahi Saalah (Yurub)
- Bahjo Mohamud Mohamed (Gaaseed)
- Maymuun Mohamed Haji Omar