Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Madaxweyne Xasan Sheikh oo Dowlada Itoobiya ka oglaadey inuu kasoo qayb galo Caleema saarka

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Warar dublamaasiyadeed oo hada ay heleen hawlwadeenada Warsidaha Puntlandi  ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Shiekh uu ogolaadey inuu Kismaayo yimaado si uu uga qayb galo Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa ka caga jiidey imaanshaha Kismaayo laakiin waxaa hada muuqata inuu Imaanayo kadib dadaal ay Dowlada Itoobiya u gashey.

Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan in Xasan Sheikh uu goordhow kasoo duuli doono Muqdisho,uuna soo gaari doono magaalada Kismaayo.

Guddiga qabanqaabada Munaasabada ayaa Warsidaha Puntlandi u sheegay in la sugayo Madaxweyne Xassan Sheekh,ayna Munaasabadu bilaabanayso marka uu yimaado.

Akhriste hanaga fogaan si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee gudaha iyo dibada.

www.Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508