Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS+FADEEXAD–– Akhri Cadeymaha– Madaxweyne Xasan Sheikh oo Itoobiya ku dacweeyey Axmed Madoobe kana codsadey inay baajiyaan Xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Axmed Madoobe

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Kooxdiisa ayaa Warwad ay u direen Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom waxay ku dacweeyeen Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ku eedeeyeen inuusan fulin heshiisyadii ay horay uwada galeen Dowlada Federaalka.

Warqada loo direy Wasiirka Arimaha Dibada Itooboya waxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka Codsaneysatay in Wasiirka Arimaha Dibada iyo Dowlada Itoobiyaba aysan kasoo qayb galin Caleemasaarka, isla markaana Dowlada Itoobiya ay dib u dhigto oo ay baajiso Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, Iyadoo Madaxweyne Xasan Sheikh uu u muujiyey Dowlada Itoobiya inuu ka caga jiidayo inuu kasoo qaybgalo Xaflada Caleema saarka.

Waxaa nasiib daro iyo waji gabax ku ah Dowlada Federaalka ee Xasan Sheikh hogaamiyo in Dowlada Itoobiya ay dhagaha ka fureysatay dacwadoodii qabyaalada iyo cuqdada xambaarsaneyd isla markaasna waxaa goor dhawayd Magaalada Kismaayo kasoo degay Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Dr. Tedros Adhanom.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi ay Kismaayo ka helayaan ayaa sheegaya inuu hada socdo Wadahadal iyo Dadaal Dowlada Itoobiya ay culeys ku saarayso Madaxweyne Xasan Sheikh inuu kasoo qayb galo Xaflada, iyadoo Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi Xildhibaano u badan ay hada ku soo gaareen Kismaayo.
Talaabadaan Madaxweyne Xasan sheikh qaadey ayaa waxay godmadow ku ridi doontaarajadii laga qabay in dib loo yagleelo Dowladnimo Soomaaliyeed waxaana nasiib daro ah in Madaxweynihii iyo Dowladii Federaalku ay Umada Soomaaliyeed ku dacweynayaan Itoobiya, waa sanadkii sadexaad inta Xasan Sheikh uu ku mashquulsan yahay colaada shacabka Jubbaland, isagoo taa badelkeedana Madaxweynuhu ku bixiyey 65 milyan oo Dollar shirkii cadaado si uu Madaxweyne uga dhigo saaxiibkiis Cabdikariim Dhaga juun.

Hoos ka Akhriso Waraaqda Villa Soomaaliya u dirtey Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo ay ku dacweeyeen Maamulka Jubbaland

FB_IMG_1442047327393FB_IMG_1442047321567


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles