Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ra’siiul wasaare Cumar, Nickolos Kay iyo 50 Xildhibaan oo Kismaayo soo gaaray

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka oo hogaaminaya Wafdi balaaran oo u badan Xildhibaano ayaa soo gaaray Magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta ka dhacaysa Kismaayo.

Madaxda Jubbaland iyo qayabaha kala duwan ee bulshada ayaa Wafdiga Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya kuso dhoweeyay magaalada Kismaayo,xilli goor dhow la filayo inay si toos ah u bilaabato Munaasabadu.

Dhanka kale,Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Nickolos Kay ayaa gaaray magaalda Kismaayo,wuxuuna ka mid yahay Madaxda Gobolka iyo Mas’uuliyiinta heer caalami ee ku qulqulaya Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay u joogay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo,kuwaas oo qayb ka ah Madaxda ka qayb galaya Munaasabada.

Soo dhoweynta horudhaca u ah Munaasabada ayaa si habsami leh uga socota magaalada Kismaayo.

Puntlandi,Kismaayo.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles