Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wasiirka Arimaha Dibada dalka Itoobiya oo gaaray magaalada Kismaayo

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Jubbaland,wuxuuna ka mid yahay madaxda ka qayb galaysa Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Madaxda Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya kuso dhoweeyay Kisamayo,xilli Kismaayo ay maanta ku qulqulayaan Wufuud kala duwan.

Soo dhoweynta Wufuuda kala duwan ee ka qayb galaya Munaasabada Caleemo saarka ayaa si habsami leh uga socota magaalada Kismaayo.

Munaasabada Caleemo saarka ayaa noqonaysa Munaasabad aad u wayn,marka la fiiriyo Madaxda iyo Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qayb galaya.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508