Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War cusub… Maraykanku Diyaar buu u yahay inuu caawiyo Soomaaliya lakiin inta Madaxweyne Xasan joogo waxay ka joogayaan Nairobi

$
0
0

Somalia-USA-flag-400x250Warar Dublamaasoyadeed oo Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa cadeynaya in Dowlada Maraykanku ay si cad ugu sheegtey Dublamaasiyiin Soomaali ah in Sababta aysan xiligaan Safaarad uga furaneyn Gudaha Soomaaliya ay tahay iyadoo Maraykanku ay ka kalsooni baxeen Dowlada Federaalka Soomaaliya oo hormuudka uu ka yahsy Madsxweyne Xasan.

Dublamaasiyiin Maraykan ah ayaa lagasoo xigtey in Dowlada Maraykanku ay rajo wanaagsan ka qabtay Dowlada Soomaaliya balse ay hogaamiyayaasha Dowlada Federaalku ay lumiyeen rajadaas ayna taasi dib u celisay hamigii Maraykanku uu ku doonayay iney Safaarad ka furtaan Soomaaliya.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in Maraykanku ay sugayaan isbadalka 2016 ayna doonayaan iney la jaan qaadaan Xukuumada cusub ee iman doonta 2016ka iyadoo waliba Maraykanku uu qorsheynayo inuu saameyn wayn ku yeesho xukuumadaas cusub, ujeed kooduna waa in ay rumowdo in kaalmada Ay siin doonasn Soomaaliya ay marto wadada saxda ah.

Dhinaca kalana tan waxay muujineysaa in Maraykanku sababta uu usii dagayo Nairobi ay tahay inuu saameyn iyo faragalin ku yeesho Dadaalada hada socda ee Doorashada 2016, ayna safaarada Nairobi u howlgasho sidii waagii xukuumadii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf.

Wararkaan cusub waxay muujinayaan in Madaxweyne Xasan uu lumiyey kalsoonidii reer Galbeedka ayna Maraykanku sii joogi doonaan Nairobi inta laga gaarayo isbadalka 2016 ka balse ay hada si dhow ula soconayaan qorshaha geedi socodka 2016 ka.

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles