Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Baarlamaanka Denmark oo u codeeyey iney qaataan Dhalashada Denmark dad gaaraya 2,500 oo qof oo Muran ka taagnaa

$
0
0

161000641-41947590Maalmahaan waxaa Mursn xoogan ka dhex socdey Baarlamaanka Denmark ka dib markii Wasiirada Ajnabiga iyo Guriyeynta ay soo jeedisay in dib loogu noqdo kiisaska Dad Ajnabi ah oo Xukuumadii hore u ogolaatay iney qaataan dhalashada Denmark.

Bishii Juun ayaa isbadalkii Xukuumada Denmark waxay saameysay Dadkii dhalashada qaadan lahaa bishii Luuliya ka dib markii dib loo dhogay kiisaska dadkaas maadaama Doorasho lagalay isla markaasna Baarlamaan cusun imaandoono.

Xosbiyada talada qabsadey ayaa doorashadii kadib waxay ku goodiyeen iney xakameynayaan sharciga qaadashada Dhalashada ayna dib ugu yeerayaan Kiisaska gudbey oo gaarayay 2590 oo qof kuwasoo Xukuumadii hore ansixisay.

Arintaan ayaa maalmahaan buuq badan ka taagnaa kadib markii Wasiirada Arimaha ajnabiga iyo Guriyeynta Inger Støjberg ay dalbatay in Dadkaas kiisaskooda dib loo cesho, Waxaana arintaas ka Xanaaqay Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbi kamid ah kuwa muxaafidka oo ku doodey in maadaama Dadkaan horey waraaqo loogu direy loona sheegey in kiiskooda lasoo gabagabeeyey aysan macquul ahayn in hadana la kansalo kiisaskooda.

Hadaba Baarlamaanka ayaa maanta kasoo hor jeestey soo jeedintii Haweyneyda ah wasiirada ajnabiga wuxuuna Baarlamaanku cod buuxa ugu codeeyey inDadkaas gaaraya 2500 ay noqdaan Daanish.

Dadkaan waxay u badan yihiin Dad jiran iyo Dad Beeshin ah, Xuumadii hore ayaa hir galisey sharci u sahlayay in Dadka Xanuunsan oo aan wax baran karin iyo Dadka waayeelka ah aan looga baahneyn Sharuudaha Luuqada iyo dhaqanka Dalka laakiin waxaa arintaas kasoo hor jeedey Xisbiyadii mucaatadka, Markii mucaaradku ku guuleysteen Doorashadii ayay durba bilaabeen iney tirtiraan sharcigaas.

Soomaali badan oo waayeel u badan ayaa ku jira dadka maanta uu Baarlamaanku ansixiyey iney dhalashada qaataan.

wixiise hada ka dambeeya waa la adkeeyey sharciga tasoo macneheedu yahay in Dadka waayeelka iyo kuwa xanuunsan ay heystaan Imtaaxka luuqada markey dalbanayaan dhalashada.

Xasuusin:-Dadka la ogolaadey hada waa dadkii lasoo dhajiyey bishii Abril oo kiiskooda awal dib loogu dhigey doorashadii Baarlamaanka awgeed.

Puntlandi.com
Copenhegan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles