Nairobi– 28 Ogoosto, 2013– Puntlandi– Magaalada Nairobi waxaa ku sugan Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, Madaxweynaha ayaa shalay kulan albaabadu u xiran yihiin wuxuu la qaatey ugu yaraan 15 Safiir iyo wakiil oo kakala socda Wadamada Midowga Yurub, waxayna wakhti aad u dheer falan qeeyeen Arimaha Soomaaliya, waxaa si gaara looga hadlay shirka New Deal ee ka dhici doona Belgium.
Beesha caalamku waxay aad u daneynayeen iney Puntland kala hadlaan Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya kasoo cusboonaatey, sida Dastuurka federaalka oo wax laga badalay, xiriirka Puntland iyo Villa Somaliaya oo hada meel xun maraya, arimaha Jubaland, Arimaha Gobolada Shabeelooyinka iyo la dagaalanka Al-shabaab oo hada u muuqda mid gabi ahaanba istaagay.
Dowlada Puntland waxay beesha caalamka u gudbisey wixii talo ah dhankooda iyo xaalku meesha uu marayo, dublamaasi la hadley Puntlandi oo u dhuun daloola kulamadaas ayaa noo sheegey in Wadamada Midowga Yurub ay aad usoo dhaweeyeen Madaxda Puntland iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Puntland waxay hoosta ka xariiqeen in aysan marnaba Puntland cidna u wakiilaney meeshii loogahadlayo danaha Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaanayaan iyagoo ah Dowlada Puntland, waxay Kaloo Wafdiga Puntland hoosta ka xariiqeen in marwalba la illaaliyo Dastuurka federaalka Soomaaliyeed si loo gaaro meesha la hiigsanayo.
Madaxweyne Faroole iyo Wafdiga la socda waxay maanta oo arbaco ah 28. Ogoosto ay la kulmeen Wakiilo ka socda Dowlada Sacuudiga, waxay kaloo maanta mar kale la kulmeen Safiirka Talyaaniga u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.
Beri (khamiis 29 Ogoosto) waxay mar kale la kulmayaan wakiilada Midowga Yurub oo ay weheliyaan ugu yaraan 10 safiir oo ka socda wadamada Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay Nairobi.
Madaxweynuhu inta uu joogo Kenya wuxuu kaloo la kulmayaa Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya, inkastoo ay qaarkood kulmeen maanta.
Puntlandi.com
Nairobi