Hoolka ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa soo wada gaaray dhamaan Dadkii la sugayay oo isugu jira Musharixiinta, Xildhibaanada Jubaland ee iyagu codka bixinaya, Gudiga Doorashada Jubaland iyo Marti sharafta goob jooga ka ah doorashada.
Sida loosoo agaasimay Doorashada iyo qaabka ay u dhacayso waa mid aad u saraysa, goobtuna aad ayaa loo qurxiyey, Musharixiinta ayaa isku meel la fariisiyey.
Magaalada Kismaayo gudeheeda aad ayaa loo hadal hayaa oo dadweynuhu waxay si toosa ula socdaan doorashada qaabka ay u socoto, iyadoo amaankana ay aad u adkeeyeen Ciidamada Jubbaland oo wata qalab iyo dareys aad u qurux badan, kuwasoo raxan raxan u dhex socda Magaalada dhexdeeda, Goobta ay doorashadu ka socoto waxaa ku hareeraysan Ciidamda Jubbland iyo kuwa Amisom(Kenya) kuwasoo amaanka aad u sugaya.
Goobaha lagu shaaaheeyo ayaa saaka horey loo furay halkaasoo ay ku sugan yihiin Dadweyne aad u badan oo ka sheekaysanaya Doorashada iyagoo si toosana ugala socda Idaacadaha.