Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Sayid Axmed Madoobe oo 4 sano ku guuleystey hogaanka Dowlada Jubaland, iyo Musharixiintii la tartamayay oo aqbalay natiijada doorashada

$
0
0

Ahmed madoobe
Xildhibaanada Dowlada Jubaland ayaa cod aqlabiyad buuxda ah ugu dheereeyey wakhtiga Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ka dib markii ay 68 Xildhibaan oo kamid ah 75 ta Xildhibaan ee Jubaland ay codkooda siiyeen inuu Marlabaad Axmed Madoobe noqdo Madaxweynaha Dowlada Jubaland.

Doorashada ayaa Wareegii kowaad lagusoo af jaray ka dib markii Sayidku uu heley Cod aqlabiyad ah, Musharixiintii kale ee la tartamayay Sayidka ayaa aqbalay natiijada doorashada iyagoo mid mid u khudbeeyey kuwasoo kala ahaa Hilowle Aadan Maxamad, Cismaan Xuseen Xaaji Fayruus, Maxamed Cusmaan Yuusuf, waxayna cod mideysana ku sheegeen iney Jubbaland guuleysatay, doorashaduna muujineyso in Baarlamaanka Jubaland iyo shacabkuba ay guul gaareen.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sugayaa inuu goor dhow uu jeediyo khudbad dheer oo uukula hadlayo shacabka Jubaland gudo iyo dibadba.
Puntlandi kala soco khudbada iyadoo maqal ah….

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles