Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayaa ogaysiinaya dadwaynaha Somaaliyeed ee ku nool degmada iyo guud ahaanba Magaalada Minneapolis deeq waxbarasho ee la xiriirta barnaamijka HVAC. Barnaamijka HVAC ayaa loo soo gaabiyaa Heating, Ventilation and Air Conditioning, islamarkaana ah tababar xirfadeed ee 2 sano ah.
Mudane Abdi Warsame ayaa ka codsaday deeq waxbarasho maamulka sare ee kuuliyada farsamada Minneapolis Community and Technical College, si fursado loogu abuuro dhalinyarada Somaaliyeed ee Degmada. “Dhibta u weyn ee shaqa la’aanta ku baahsan bulshadeena, waa xirfad la’aan. Sidaan horay u balan qaaday, waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii dhalinyaradeena fursado loogu heli lahaa.”
Maamulka Degmada 6’aad iyo Kuuliyada farsamada MCTC madaxdeedi ayaa kusoo bandhigi doono deeqahaan waxbarasho tiradoodu dhantahay 20 Masjid Rowdah Jimcahaan inagusoo fooda leh, salaada Jimcaha kahor.
Masjid Rowda – 2426 East 26th Street, Minneapolis, MN 55406
Taarikhda: 08/14/2015
Saacada: 11:30
Guji Linkigaan si aad u buuxisid deeqahaan waxbarasho.
Application Link: http://www.minneapolis.edu/Admissions/How-to-Apply/New-College-Student