Magaalada Kismaayo waxaa saaka lagu soo kacay iyadoo ay Magaalada ka socdaan ololaha Doorashada Madaxweynanimada Jubbaland oo lagu wado iney dhacdo maalinta sabtida 15 ogoosto 2015.
Waxaa wadooyinka buuxdhaafshey baabuur iyo Taageerayaasha musharixiinta iyadoo kooxda u ololeynaysa Madaxweynaha hada talada haya Axmed Madoobe ay wataan boorar iyo Funaanado uu sawirkiisu ku dhagan yahay.
“Ololaha doorashada Jubbaland ee 2015-ka waxay saaka si rasmi ah uga bilaabatey Kismaayo, waxaana rajayneynaa iney Taageerayaasha Musharixiintu ay illaalin doonaan anshaxa si ay afkaartooda ugusoo bandhigaan si nabadgalyo iyo Dimoqoraadiyad leh, Tani waxay muujineysaa in Reer Jubbaland ay ku taagan yihiin wadada Dowlad nimada, hada waxaa codka bixinaya Wakiilada Dadka matalaya (Xildhibaanada Baarlamaanka) laakiin Doorashada dambe waxaan ku han waynahay in Sanduuqa Cod bixinta la gayn doono guud ahaan deegaanada Jubbaland oo shacabku dooran doonaan hogaankooda”.. Waxaa sidaad Puntlandi u sheegey Maxamed Xassan oo ka tirsan Ciidanka Amaanka Kismaayo.
Sida muuqata Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu tun wayn raga tartamaya.
Kala soco Puntlandi Doorashada Jubbaland.
puntlandi.com
Kismasyo