Waxaa lagu wargalinayaa Jaaliyada Puntland ee Dalka Finland inuu dhici doono kulan uu Agaasimaha Qurba Joogta Puntland Cumar Shire Maxamed uu la yeelan doono Jaaliyada iyo xubno ka tirsan Dowlada Finland iyo Hay’ado gaara.
Kulanka oo ka dhici doona Helsinki waxaa isna goob joog noqondoona Wakiilka Puntland ee Finland Cabdirsaaq Muuse.
Goobta iyo wakhtiga uu kulanku dhicidoono
galabta Axada 16 Ogoosto
Libraryga Siilitie amd Siilitie Kirjasto.
Saacaduna waa 16:30 – 19:30!
Fadlan wakhtiga hala illaaliyo, kanasoo qayngal wacan.
Wixii faahfaahin ah la xiriira Xafiiska Jaaliyada ama Wakiilka Dowlada Puntland u jooga Finland.