Madaxweynaha hada talada Jubbaland haya isla markaasna ah Madaxweynihii u horeeyey ee Jubbaland yeelatao Mudane Sayid Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Guddiga Doorashadda Jubbaland u gudbiyey Waraaqihiisa Musharaxnimada iyo sharuudihii looga baahnaa Musharaxa.
Guddiga Doorashooyinka oo Madaxweynuhu uu Xafiiskooda ugu tagay ayaa ka qabtay Codsiga Musharxnimada, oo ay ku lifaaqan yihiin Sharuudihii looga baahnaa musharaxa iyo Lacag dhan 7,000 USD oo qayb ka ah sharuudaha musharaxa looga baahan yahay.
Guddiga doorashooyinka oo dulmaray Codsiga Musharxnimada Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku doonayo inuu mar labaad uu kursiga u tartamo,ayaa xaqiijiyeen inuu Sharuudihihii uu buuxiyey isla markaasna uu yahay Musharax rasmi ah.
Guddiga ayaa isla markiiba Madaxweynaha u aqriyey qaynuunka musharaxa laga rabo inuu u galo Ololaha doorashadda iyo waxyaabaha keeni kara in lagala noqdo ogolaanshaha Tartanka, wuuna aqbalay Axmed Madoobe inuu illaalinayo qaynuunka.
Madaxweyne Madoobe saaka ayuu bilaabay ololihiisa Doorashada iyadoo taageerayaashiisu ay damaashaad ku marayeen Magaalada Kismaayo iyagoo qaba Koofiyad iyo funaanad cad oo sawirkiisu ku dhagan yahay isla markaasna ruxaya calanka Jubbaland.
Puntlandi kala soco wararka doorashada Jubbaland.