Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta bilaabey booqasho uu kukala bixinayo Gobolka Gedo ayaa maanta wuxuu ka degay Degmada Doolow.
Ujeedka safarka Madaxweynaha waxaa ugu weyn inuu soo booqdo Deegaanada laga xoreeyey Al-shabaab oo u horeyso Degmada Baardheere.
Baardheere waxaa kasocda abaabul lagusoo dhaweynayo Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe wuxuu horey ugu baaqay in Deegaanada laga Xoreeyo Al-shabaab ay mudnaanta kowaad helayaan iyadoo xukuumada Jubaland ay u diyaarisey Qorshayaal cadcad oo lala kaashanayo deeq bixiyaasha.
Puntlandi.com
Kismaayo