Ka dib markii ay xukuumada Federaalka iyo Baarlamaankuba ay shalay bilaabeen hindise ay isku raaceen kasoo u gogol Xaarayay hab ay wakhtiga ku kororsanayaan ayaa shirkii maanta ka furmey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa kasoo yeerey hadal niyad jab ku ridey Madaxweyne Xasan Sheikh iyo kooxdiisa.
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Nidoobey ayaa hoosta ka Xariiqay ineysan Golaha amaanku aysan sinaba u taageerayn Muda kororsi loo sameeyo Xukuumada.
Wuxuu yiri Mr Kay.. Golaha amniga marnaba ma aqbalayaan in Xukuumadaan ay dhaafto wakhtiga loo cayimey ee Ogoosto 16 ka.
Siyaasiyiinta indha indheeya Siyaasada Soomaaliya ayaa tilmaamey in Madaxweyne Xasan uu bilihii lasoo dhaafay ku tilaabsadey istoogasho siyaasadeed oo qaawan tasoo uu ku doonayay in wakhtiga loo kordhiyo.
Puntlandi.com