Warar lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in Wiilasha Villa Soomaaliya ay qorsheynayeen Iney Shirka Muqdisho ka furmaya ay ku marin habaabiyaan hanaanka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyagoo 5 kursi iyo Khudbado isku xiga u diyaariyey, waxayna ugu yeereen Hogaamiyaasha Dowladaha sharciga ah ee Xubnaha ka ah Dowlada Dhexe.
Shanta Xubnood waa sidey shaxda u xariiqdeene waxay kala yihiin…
1– Madaxweynaha Puntland Cabdiwali MA Gaas
2– Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam
3– Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aaden.
4– Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xiseen Muungaab
5– Cabdokariim Guuleed oo ka mid ah Madaxweynayaasha Gobolada Dhexe.
Shaxdaan lagu soo maloogay Villa Soomaaliya ayaa ujeedku yahay in Maamul Goboleed Sharci ah loo ekeysiiyo Mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dhowrka ah ee Ka jira Galgaduud iyo Koonfurta Mudug kasoo ah Cabdikariin Guuleed uuna feer fariisto Madaxweynayaasha Sharciga ah.
Shirka Muqdisho oo ah mid Caalaami ah laguna magacaabo High Level Partnership Forum, Mogadisho. ayaa hada u muuqda mid la marin habaabiyey siyaadsad xumada Villa Soomaaliya awgeed.
Xafiiska UNSOM oo waxka qaban qaabinaya Shirka ayaa durba muujiyey in qaabka ay wax u wado Villa Soomaaliya ay hoos u dhigtey Rajada Shirka.
Dhanka kalena Madaxweyne Xasan ayaa waji gax kala kulmi doona Shirka marka feerihiisa laga waayo Puntland iyo Jubaland oo ah awoodaha rasmiga ah ee Dalka Iyo Mustaqbalkiisa.
Puntland iyo Jubaland maqnaanshahoodu wuxuu guul daro u yahay shaxda ay damacsanaayeen Ciyaalka Villa Soomaaliya.
Puntlandi.com
Nairobi