Shalay oo ahayd Axad 26 luuliya waxaa Kismaayo soo gaaray Madaxweyne Xasan Sheikh oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka, Ujeedka Safarka Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda waxay ahayd inuu tababar usoo xiro Ciidan Jubaland leedahay oo tababar ku dhameystey Xerada la casriyeeyey ee 43aad.
LAAKIIN Madaxweyne Xasan waxaa kaloo jeebka ugu jirey ajande uu doonayay inuu safarka uga faa’iideysto waana sababta uu Xalay u seexdey Kismaayo.
Ajandaha qarsoon ee Xasan Sheikh wuxuu ahaa inuu Jubaland qub moos u dhigo oo uu soo cesho xiriirkoodii burburay tan iyo markii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku ay xaqireen Baarlamaanka Jubaland tasoo Reer Jubaland aysan moogeyn in Madaxweyne Xasan uu si weyn ugu luglahaa Xaqiraadaas.
Xalay fiidkii ayaa waxaa bilowdey wadahadal hadba heer soo maray, marmar labada Madaxweyne isku kaliyeysteen iyo marmar labada Gole ee Jubaland ay iyana qayb ka ahaayeen kulanka , Kulamadasoo meelo Xasaasi ah gaarey.
Jubaland waxay aad uga xumaadeen hanyarida uu Xasan Sheikh lasoo shir tagey oo ahayd inuu Jubaland ku qanciyo waxyaabo raqiis ah.
Madaxweyne Xasan wuxuu isku dayay inuu Jubaland iyo Villa Soomaaliya ay wada dhameystaan Waxyaabaha lakala tirsanayo loona saaro Gudi gaara, iyo in Madaxweyne Xasan uu aqoonsado Baarlamaanka Jubland uuna waliba u khudbeeyo Xildhibaanada Jubaland intuusan Kismaayo ka tagin tasoo isla markiiba laga diidey.
Balan qaadyo kale ayaa iyana jirey balse waxaas oo dhan way u cubtami waydey Masuuliyiinta Jubaland oo si cad ayay uga diideen.
Sida Puntlandi xogta ku heleen Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu u sheegey Madaxweyne Xasan Sheikh in Go’aanka Jubaland uu yahay kii Garowe ay Raysal wasaaraha ugu sheegeen, Kaas oo la hirgaliyana ay kusoo laabaneyso wada shaqaynta Kismaayo iyo Villa Soomaaliya.
Go’aankaan adag ee uu qaatey Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu lama filaan iyo niyad Jab ku noqonayaa Qolyaha Muqdisho fadhiya ee had iyo jeer soo malooga hardaameynta Jubaland.
Xasan Sheikh wuxuu saaka diidey inuu saxaafada kula hadlo Garoonka Diyaaradaha intuusan Xamar u duulin, waxaana wajigiisa ka muuqdey noyad jab weyn.